Madaxweyne Muuse Biixi oo qaabilay wafdi ka socday dalka Senegal (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay wefdi ka socda xafiiska Madaxweynaha dalka Senegal ee Galbeedka qaaradda Afrika, Mudane Macky Sall oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika (AU), kuwaasoo ay xubno ka yihiin Mohamamel habib Niang iyo Elhadji Abdoulaye Dia.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtoooyada, ayuu madaxweynuhu ugu horrayn xubnaha weftiga kaga guddoomay salaan iyo warqad muhiim ah oo ay ka sideen madaxweynaha Senegal, ahna guddoomiyaha midowga Afrika.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha wefdiga ah uga mahadnaqay booqashadooda, waxana uu si qoto dheer ugu sharraxay horumarka iyo Dimuqraaddiyadda ka hana qaadday Somaliland, heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay, halka ay maanta marayso iyo hiigsiga qarannimo ee ay leedahay.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha weftiga u dhiibay warqad ku socda Madaxweynaha dalka Senegal, ahna gudoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Macky Sall, waxana kulanka Madaxweynaha ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

 

- Advertisement -