Nin dhaliyaro ah oo lagu dilay degmada Guriceel & faahfaahino ka soo baxaya

Nin dhalinyaro ah ayaa lagu dilay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Siciid Gabeyre oo loo yaqaanay (Afar Daqiiqo) ayaa la sheegay iney geysteen askar ka tirsan ciidamada dowlada ee ku sugan degmada Guriceel xili ay ku jireen Howlgal

Lama xaqiijin sababta loo dilay, hase ahaatee wiilkan ayaa la sheegay inuu Baraha Bulshada ku dhaliili jiray Madaxda Galmudug.

Saraakiisha Amniga degmada Guriceel ayaan weli wax faahfaahin ah ka bixin dilka loo geystay Wiilka Dhalinyarada ah oo ku soo  aaday degmadaas uu ka socdo barakac ka dib markii xoogagga Ahlusunna ay ku soo dhowaadeen halkaas.

 

- Advertisement -