Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo Billad guddoonsiiyay Cabdikariin Qalbi Dhagax (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa iyo xarunta Xukuumadda ku qaabilay halgamaa Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi dhagax oo sanadkii 2017-kii si sharciga baar marsan loogu gacan galiyay Dowladda Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Qalbi dhagax ka xaalmariyay gaboodfalkii lagula kacay isaga iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Jannaayo ee sanadkan baa’isay go’aan ay horay u gaareen Golaha Wasiirradu, kaas oo Qalbi dhagax iyo ONLF ku tilmaamay argagixiso.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Halgamaa Cabdikariim Sh. Muuse Qalbidhagax huwiyay calanka jamhuuriyadda, guddoonsiiyayna billad, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen, muwaadinkan Soomaaliyeed ee sida gardarrada ah loogu gacan galiyay dal shisheeye.

Related posts

Jabiso weyn oo liqday Eey oo lagu toogtay Deegaan Al Shabaab maamulaan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Weerar Bambaano oo lagu qaaday guri lagu caweeyo oo kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade

DF oo shaacisay tirada kiisaska cusub ee cudurka COVID-19 iyo dad ka bogsaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---