Allbanaadir.com
NEWS

Musharaxiin badan oo isku diiwaangeliyay ka qeyb galka Doorashada Madaxweynaha (Sawirro)

Guddiga isku dhafka ah ee qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta diiwaangeliyay sidoo kale siiyay shahaadada musharaxnimo dhoor Musharax oo u tartamaya qabashada jagada Madaxweynaha Soomaaliya.

Diiwaangelinta musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta bilaabatay ayaa durba waxaa xafiiska guddiga doorashada tagay kana qaatay shahaadada dhoor musharax ay ku jiraan kuwa saameyn xooggan leh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed hadana mar kale u sharaxan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay ee maanta qaatay shahaadada musharaxnimo.

Musharaxiinta kale ee maanta isdiiwaan galiyay ayaa waxaa kamid ah

1-Sheekh Shariif Sheekh Axmed

2-Daahir Maxamuud Geelle

3-Cabdulaahi Cali Xasan

4-Bashiir Xaaji Cali

5-Cabdulqaadir Cosoble Cali

Waxaa sidoo kale la filayaa in labada maalin ee soo socota is diiwaangeliyaan musharaxiin kale oo badan uu ku jiro Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Farmaajo oo mar kale u tartamaya kursiga uu hada ku fadhiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ukraine oo diyaarad casri ah oo ka soo riday ciidanka Ruushka

Cabdi Cade

Maxay ka dhigan tahay in Al-shabaab ay lumisay Xarardheere? (Akhriso shan qodob)

Caydiid Ali

Nin hubeesan oo Toogasho dad badan lagu dilay ka fuliyay magaalada Buffalo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---