Magaalada Muqdisho waxaa si xowli ah uga socda ololaha ay wadaan qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya , kuwaa oo mid walbo uu doonayo sidii uu guul u gaari lahaa.
Musharaxiinta qaar gaar ahaan kuwa mucaaradka ayaa kulamo qarsoodi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxa ayna ka arrinsanayaan sidii ay u sameysan lahaayeen isbaheysi adag oo meesha looga saarayo Farmaajo.
Sida aan xogta ku heleyno musharaxiinta ugu saameynta badan ayaa isku baheesanaya sidii meesha uga saari lahaayeen Madaxweyne Farmaajo oo mar kale tartamaya, waxa ayna galayaan heshiisyo hoosaaf ay ku ballamayaan hadii midkood guuleesto.
Musharaxiintan ayaa ka arrinsanaya in kan ugu cod badan ee Farmaajo la loolamaya xoojiyaan, waxaasa wadahadalkooda sidoo kale qeyb ka ah sida ay ka yeelayaan haddii Farmaajo doorashada kaharo ayna isku soo haraan labo musharax oo isla iyaga katirsan.
Loolanka doorashada ayaana ah mid u dhaxeeya dhoor musharax oo loo saadaalinayo in midkood kusoo bixi karo doorashada, waxaana musharaxiinta qaar ujeedkoodu tahay sidii xil siyaasadeed u heli lahaayeen uguna biiri lahaayeen musharaxiin kale oo saameyn leh.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto 15-ka bishan oo ku beegan axada soo socota, waxaana maanta billaabatay diiwaangelinta musharaxiinta doonaya in ay tartanka ka qeyb galaan.