Nin hubeesan oo Toogasho dad badan lagu dilay ka fuliyay magaalada Buffalo (Sawirro)

Nin hubeesan oo cadaan ah ayaa toogasho dad badan lagu dilay ka geestay dukaan ganacsi oo kuyaalla magaalada Buffalo, gobolka New York ee dalka Maraykanka, waxaana weerarkan si weyn u hadal haya warbaahinta dalka Mareykanka .

Sargaal u hadlay booliiska magaalada Buffalo ayaa sheegay in ninka hubeesan oo dhallinyaro ahaa uu rasaas xoogan ku furay dukaanka Tops Friendly Market, waxa uuna halkaasi ku dilay dad gaaraya 10-qof halka tiro kalana uu dhaawacay.

Ciidamada booliiska oo si degdeg ah usoo gaaray goobta toogashada ka dhacday ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaam ninka toogashada ka dambeeyay, waxa ayna saraakiisha sheegeen in baaris lagu wado ninkaasi iyo sababta weerarka keentay.

Dambi-baarayaasha ayaa aaminsan in ninka dilka geystay, laga yaabo, uu si toos ah weerarka u duubayey,  waxaa sidoo kale la baarayaa in weerarkan oo  looga shakisan yahay in uu la xariiro isir naceyb.

Deegaanka weerarku ka dhacay oo banaanka uga baxsan faras magaalaha Bufffalo ayaa waxaa ku badan dadka madowga ah, waxaana ninka weerarka fuliyay ahaa wiil 18-sano jir cadaan ah looga shakisan yahay in uu yahay cunsuri .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -