Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo Farxada Ciida la qaatay qaar kamid ah Shacabka Hargeysa (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa saaka oo ah maalinta koowaad ee munaasibadda ciidal fidriga, waxa uu soo kormeeray goobaha huteellada waaweyn ee caasimadda oo ay sugnaayeen dadweynaha ciidayaa iyo sidoo kale barxadaha maalmaha farxadda lagu ciidsiiyo carruurta.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, iyo taliyeyaasha ciidamadu, ayaa kormeer uu dadka kula qaadanayo farxadda ciida kusoo maray huteellada kala ah Garaan-haddi, Kaah, Nasiye, iyo goobta carruurta lagu ciyaarsiiyo ee Huteelka Cosob, waxana uu halkaas kula kulmay dadweyne faraxsan, kuwaas oo uu qaddar sheeko ah la qaatay madaxweynuhu.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabilay boqollaal kamid ah shacabka caasimadda oo waayeel iyo carruur isugu jira, kuwaas oo farxadda ciidda awgeed kulan salaam ah ugu yimi madaxweynaha.

Related posts

Diyaarad Rakaab oo laga shakiyay in Bam wado oo loo kiciyay Diyaarado dagaal

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Go’aan adag ka qaatay Ciidankiisa jooga magaalada Laascaanood

Cabdi Cade

Xasan Shiikh iyo Siyaasiyiin kale oo lagu soo dhoweeyey Garoowe (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---