Allbanaadir.com
NEWS

Masuul katirsanaa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeesan ayaa saakay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir ku dilay masuul katirsanaa maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ,sidoo kale ahaa nabadoon caan ka ahaa qeybo kamid ah gobolkaasi.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dabley hubeesan rasaas ku fureen kuna dileen meel ku dhaw Ceelgaabta guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo Maaliyada degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose Faqay Cabdulle Mayoow.

Sida aan wararka ku helnay raggii hubeesnaa ee dilka u geestay Faqay Cabdulle ayaa goobta isaga tagay, waxaana daqiiqado kaddib goobta uu dilku ka dhacay soo gaaray ciidamada ammaanka kuwaa oo meydka goobta ka qaaday.

Ninkan la dilay ayaa la sheegay in sidoo kale ahaa nabadoon caan ka ahaa degmada Owdheegle, waxa ayna ehelada marxuumka dowladda Soomaaliya ka codsadeen in lasoo qabto dadkii dilka ka dambeeyay.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid soo hagaagayay, waxaana aad ugu yaraaday caasimadda dilalka qorsheesan ay geestaan kooxaha hubeesan ee Al Shabaab iyo Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilaada Madaxweynaha Puntland oo awoodooda kusoo bandhigay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Wasiir Cawad oo qaabilay wafdi ka socday Folke Bernadotte Academy

Caydiid Ali

Madaxweynaha ugu Da’da yar Afrika oo xil weyn ku abaal-mariyay Saaxiibkiisa siyaasadda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---