(Sawirro) Cali Guudlaawe oo Jowhar kula tukaday Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka, Xildhibaano heer Federaal, Xubno labada gole ee Dowladda iyo Masuuliyiin kale ayaa salaada ciida ku dukaday Xarunta Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Hirshabeelle faray inay  is garabsadaan oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka bulshada, loona gurmado agoonta iyo dadka u baahan in loo gargaaro.

 

- Advertisement -