Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dalalka Islaamka qaarkood oo caawa raadinaya bisha Shawwal iyo Warar sheegaya..

Wadamada Islaamka intooda badan ee bisha barakaysan ee Ramadaan billaabay Sabtidii ay ku beegneyd 2-da April ayaa caawa raadinaya dhalashada bisha Shawwal ee Ciidul Fidriga, waxaana dalalkaas ka mid ah Somalia iyo Sacuudiga

War ay soo saartay Xarunta Caalamiga ah ee Xiddigiska Dubai ayaa waxay ku sheegtay in dalalka Soonka bilaabay Sabtidii aysan macquul aheyn inay arkaan Bisha, sababo la xiriira Dayaxa oo dhacayo qorraxda ka hor.

Sidaa awgeed waxay u badan tahay in dalalkan oo Sacuudigu hoggaminayo ay dhameystiri doonaan 30-ka bisha Ramadaan. kadibna maalinta Isniinta ah oo ku beegan 2-da bisha May ay u noqoneyso maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga sida ay sheegtay Xarunta Caalamiga ah ee Xiddigiska Dubai.

Wadamo kale oo ay ka mid yihiin Indonesia, Malaysia, Brunei, India, Bangladesh, Pakistan, Iran, Oman, Jordan, Morocco iyo Ghana ayaa Soonka Bisha Ramadan bilaabay maalintii Axadda ee ku beegneyd 3da April

Dalalkan ayaa bisha raadin doona Maqribka 01-da bisha May oo ku beegan Axada beri ah balse galabta Axadda ayaan sidoo kale Bisha Shawaal toos loo arki karin., waxaana lagu arki karaa aaladda telescope oo keliya bartamaha iyo galbeedka Aasiya sida ay sheegtay Xarunta Caalamiga ah ee Xiddigiska Dubai.

Waxaa suuragal in dadku ay si dhib badan ku arkaan bisha maalinta Axadda ah gaar ahaan Yurub iyo koonfurta Afrika, laakiin dadka ku nool koonfurta iyo galbeedka Yurub, waqooyiga Ameerika iyo bartamaha Koonfurta Amerika bisha bisha si fudud ay ku arki karaan sida xaruntu sheegtay.

Wasaarada awqaafta iyo arrimaha diinta ee Dowlada Somalia ayaa ka codsatay shacabka iney ku soo wargeliyaan haddii ay arkaan dhalashada bisha Shawwaal.

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddi ka kooban 13-Xubnood (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Kenya oo ka jawaabtay baaqii dowlada Somalia ee la xiriiray dib u furista Safaaradaha

Caydiid Ali

Amiiro iyo Maal qabeeno caan ah oo laga sii daayay Hotel xabsi ahaan ugu xirnaayeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---