Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kenya oo ka jawaabtay baaqii dowlada Somalia ee la xiriiray dib u furista Safaaradaha

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan Safaaradeeda dib uga fureyso magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Kenya ayaa sidoo kale loogu baaqay Safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dib ugu soo laabto Nairobi, dibna u bilaabo shaqadiisa.

Dowlada Somalia ayaa dhowaan shaacisay iney dib u soo celisay xiriirkii diblomaasi ee Kenya oo dhowr bilood ay iyadu goysay.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili Kenya ay dib u fasaxday duulimaadyadii rayidka ee Somalia oo todobaadyo ka hor ay xanibtay.

Xiriirka labada dal oo mudooyinkan aad u xumaa ayaa hadda u muuqda mid soo hagaagaya, iyadoo wararku sheegayaan in wafdi ka socda Wasaarada arrimaha dibeda Somalia ay maanta gaareen magaalada Nairobi.

Inkastoo xiriirkii diblomaasi ee Somalia iyo Kenya uu dib u soo laabtay haddana waxaa la aaminsan yahay in xalinta khilaafka labada dal uusan halkaas ku dhamaan, iyadoo DF ay marar badan Kenya ku eedeysay iney faragelin ku heyso arrimaha gudaha Somalia.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KENYA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Uhuru Kenyatta oo shaaciyey tirada dadka cudurka COVID-19 ka dilay shacabkiisa

Caydiid Ali

Wasiir Carbeed oo xilkiisa ku waayay Wareysi caro badan abuuray uu bixiyay !!

Cabdi Cade

Dowlada Turkiga oo xabsiga dhigtay askar ka badan 80 iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---