Raisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddi ka kooban 13-Xubnood (Akhriso Magacyada)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga uu magacaabay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqadooda noqon doontaa in ay hubiyaan qoondada iyo matalaadda haweenka ee goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya doorashada dhawaan dhaceysa.

Gudoomiyaha Ururka haweenka Soomaaliyeed Batoolo Axmed Gaballe ayaa Gudoomiye looga dhigay guddigan, waxaana xubno ka ah guddigan haween caan ah oo si weyn looga yaqaan gudaha Soomaaliya.

Qoondada haweenka ee golayaasha Baarlamaanka federaalka oo ah %30 ayaan la ogeyn sida lagu xaqiijin karo, Baarlamaankii waqtigiisa dhamaaday ayaana haweenka ku lahaayeen wax ka yar 20%.

Halkan ka Akhriso Magacyada Guddigan Rooble magacaabay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -