Kulankii Baarlamaanka oo furmay iyo Sheekh Aadan Madoobe oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Waxaa goordhaw si rasmi ah u furmay kulankii xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ugu horeyn xilka ku wareejiyay guddoomiyihii KMG ee Gollaha Shacabka Xildhibaan Dhabancad.

Kulanka ayaa intii uusan furmin waxaa hareeyay buuq ka dhashay Xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Garbahaarey oo lasoo galiyay xarunta Villa Hargeysa, waxaa sidoo kale xarunta Villa Hargeysa ku sugan Xildhibaanadii lagu soo doortay Ceel-Waaq.

Sida aan wararka ku heleyno xarunta Villa Hargeysa ayaa laga saari waayay xildhibaanadii lagu soo doortay Garbahaarey ee soo galay xarunta , waxaana markaa kadib la go’aamiyay in kulanka iska fadhiyaan intii buuq hareen lahaa munaasabada xil wareejinta.

Guddoomiyaha cusub ee gollaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir guddoominaya kulanka gollaha shacabka, waxa uuna Sheekh Aadan Madoobe xilka sidoo kale kala wareegay guddoomiyihii hore ee gollaha shacabka Maxamed Mursal.

Ajandaha kulanka gollaha shacabka ayaa kaliya ah xil wareejin sida uu sheegay guddoomiyaha cusub ee gollaha shacabka, waxaana la filayaa kulanka kale ee yeelan doonaan xildhibaanada  in ay ku guda galaan doorashada Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -