Sarkaal ka soo goostay Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Galmudug, kana hadlay…

Deeq Cabdul-maciin oo ka mid ah Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada daraawiishta ee dowlad Goboleedka Galmudug ee ka howlgal Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Horjoogahan ayaa magaca afgarashadiisu aheyd Shiine waxaana uu sheegay inuu isku dhiibay ciidamada kadib markii sida uu sheegay uu adkeysan waayay dhibaatooyinka Al-shabaab.

Ninkan ayaa muddo ka howlgalayay degaanno ku yaalla Koonfurta Gobolka Mudug, xilligii ay ka socdeen dagaaladii u dhaxeeyay Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo Al-Shabaab.

Deeq Cabdul Maciin oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab uu u qaabilsanaa dhigista miinooyinka, sidoo kalena sababta u uga soo baxay Al-Shabaab  ay tahay dhibaatooyin kala duwan oo uu kala kulmay intii uu ka tirsanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -