Buuq ka taagan xarunta Gollaha Shacabka iyo Xildhibaanadii lagu soo doortay Gedo oo xarunta galay

Buuq iyo ismari waa xooggan ayaa ka taagan xarunta Villa Hargeysa oo maanta lagu wado in ay kulan ku yeeshaan xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka, kulankan ayaana ajandihiisu yahay hadal jeedin iyo xil wareejin.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa wararku sheegayaan in subaxnimadii hore lagu sii xareeyay xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Garbahaarey, kuwaa oo kusoo baxay doorasho aan loo marin habraac sax sida ay shaaciyeen guddiga doorashada labada heer.

Xildhibaanada Garbahaarey lagu soo doortay oo sidoo kale loo sameeyay kaarar aqoonsi ayaa lagu dhax arkay gudaha xarunta, waxaana shir guddoonka amreen in xarunta laga saaro xubnahaasi goobta soo galay.

Waxaa sidoo kale xarunta Villa Hargeysa ku sugan xildhibaanadii kale ee iyana lagu soo doortay degmada Ceel-Waaq, kuwaa  oo guddiga doorashada heer federaal siiyeen shahaado sidoo kale dhaariyeen guddoonkii KMG ee gollaha shacabka.

Khilaaf iyo buuq ayaa ka taagan xarunta Villa Hargeysa oo kulanka ka furmi lahaa, waxaana wararku sheegayaan in Villa Soomaaliya ka dambeesay xubnahan Garbahaarey lagu soo doortay in la galiyo xarunta ayna halkaasi ka bilaabaan foodo.

Qaar kamid ah xubnaha galay xarunta oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay yihiin xildhibaano sax ah, waxa ayna xuseen in ay kusoo baxeen heshiiskii 17-sebtemper , iyagoona sharci daro ku tilmaamay xildhibaanada kale ee lagu soo doortay Ceel-Waaq.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa u muuqata meel aysan gacanta ku heyn guddoonka gollaha shacabka, waxaana xaruntaasi maamula Madaxtooyada Soomaaliya oo marar hore isku dayday kulamo ku qabsoomi lahaa in ay fashiliso.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -