Nin Cadaan ah oo toogtay Haweeney Madow ah uu ku qalday in ay tahay Jeer

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal heysa dhacdo toogasho ah oo ka dhacday deegaan kuyaala dalka Koonfur Afrika, kaddib markii nin cadaan ah uu toogtay haweeney madow ah uu u maleeyay Jeer sida uu tilmaamay.

Ninka toogashada geestay ee cadaanka ah ayaa maxkamad la horgeeyay kahor qirtay in uu toogtay haweeney madow ah uu sheegay in uu ku qalday in ay tahay jeer sidaasna rasaas ugu furay .

Afhayeen u hadlay booliiska dalka Koonfur Afrika oo lagu magacaabo Mamphaswa Seabi , ayaa sheegay in ciidamada booliiska xireen ninka cadaanka ah ee toogtay haweeneyda madowga ah uu ku qalday jeerta.

Haweeneyda la toogtay oo lagu magacaabo Ramokone Linah oo 38 jir ah ayaa dhaawacyo kasoo gaaray toogashada loo geestay xilli ay ku sugneed beerta ninka toogashada geestay ee ku qalday jeerta.

Dhacdadan ayaa carro badan ka abuurtay gudaha dalka Koonfur Afrika, waxa ayna dhacdadan dhalisay hadal heyno badan oo dhinaca baraha bulshada ,iyadoona lagu eedeeyay cadaanka kunool dalkaasi midab takoor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -