Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Imaam Masaajid oo dilay Doofaar oo xukun adag oo xabsi ah lagu riday

Maxkamad ku taalla dalka Rwanda ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday imaam masaajid oo lagu eedeeyay in uu dil u geestay doofaar soo galay masjidka uu imaamka ka ahaa sida ay ku warameen marqaatiyaal.

Sadate Musengiman oo ah imaam Masjid ayaa la sheegay in uu garaacay doofaar soo galay masjidka uu imaamka ka ahaa, waxaana la sheegay garaacista imaamka in uu sababay in uu dhinto doofaarka.

Imaam Sadate oo xabsi ku jira tan iyo febraayo sannadkan ayaa maxkamada kiiska dacwadiisa qaadeysay waxa ay ku riday shan sanno oo xabsi ah, waxaana xukunkan xabsiga racfaan ka qaatay imaamka sida uu qareenkiisu sheegay.

Qareenka Imaamka xukunka lagu riday ayaa ku dooday in uu si lama filaan ah u dilay neefkan, kadib markii uu isku dayay in uu ka eryo masjidka oo ku yaala degmada Kayonzo ee bariga dalka Rwanda.

Muslimiinta kunool dalka Rwanda ayaana fajiciso ku noqotay xukunkan adag ee lagu riday imaamka dilay doofaarka, waxaana xukunkanm hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalka Rwanda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

Related posts

Isku dhacyada dhexmaraya Xisbullah iyo ciidamada Israel oo sii xoogeysanaya

Caydiid Ali

Guddoomiye Madaale oo shaaciyey go’aan ka nixiyey Shaqaalaha G/Banaadir

Caydiid Ali

Ganacsade lacag ku dhaw Haaf Milyan Dollar ku waayay Dabkii ka kacay Suuqa Hargeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---