Isku dhacyada dhexmaraya Xisbullah iyo ciidamada Israel oo sii xoogeysanaya

Xoogaga Xisbullah ee Lubnaan ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen ciidamada lugta ee Israa’iil meel u dhow xuduudka ayna duqeymo toos ah ku laayeen askar Israa’iliyiin ah subaxnimadii saaka.

Shaqaale ka tirsan Shirkadda Korontada ee Israa’iil (IEC) ayaa la sheegay in lagu dilay weerarka gantaallada ee Hezbollah ay ku qaadday degaanka Dovev ee waqooyiga Israa’iil, sida ay shirkaddu bayaan ku sheegtay.

Alaab-qeybiyaha korontada ayaa sheegay in “gantaalka lidka taangiyada uu ku dhacay koox shaqaale ah oo ka tirsan shirkadda korontada intii ay shaqeynayeen, iyaga oo kaashanaya ciidamada ammaanka, aagga Moshav Dovev si ay u dayactiraan xarkaha korantada ee ay waxyeello ka soo gaartay rasaastii hore.

Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar loo adeegsaday gantaalada lidka taangiyada ee waqooyiga Israa’iil, iyadoo sheegtay in lala beegsaday koox saadka militariga ah oo sameynayey taawarro isgaarsiineed.

Israa’iil ayaa ka jawaabtay weerarkan iyadoo duqaysay wax ay ku tilmaantay unug argagixiso oo ku dhex-jiray goob rayid ah oo ku taal Lubnaan.

Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay in laba gantaal oo ay Israa’iil leedahay ay Isniintii ku habsadeen kolonyo ay wateen warbaahinta magaalada Yaroun oo u dhaw xadka Israa’iil iyo Lubnaan.

Telefishinka Al-Jadeed ee dalka Lubnaan ayaa si toos ah u tabinayay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi ka dhashay dab ka kacay goobtaasi. Dhowr baabuur oo kolonyada la socday ayaa u muuqday inay waxyeelo soo gaartay, sida uu muujinayo muuqaal laga soo duubay goobta uu shilku ka dhacay.

Qaraxa ka dib, shaqaalaha warbaahinta ayaa si deg deg ah lagula taliyay inay ka baxaan aagga si “ay uga fogaadaan weeraro kale.

Bishii la soo dhaafay, Sawir-qaade u shaqeynayay Wakaaladda Wararka ee Reuters, Issam Abdallah ayaa la dilay , kuwa kalena waa la dhaawacay, kaddib markii kolonyo ay la socdeen Warbaahinta lagu weeraray Koonfurta Lubnaan.

Intaa waxaa dheer, wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay Isniintii in laba qof oo rayid ah ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen weerar cirka ah oo Israa’iil ay ku garaacday guri ku yaal deegaanka Eyeta.

Hezbollah waa dhaqdhaqaaq Islaami ah oo Iran ay taageerto oo ka mid ah xoogagga ugu awoodda badan Bariga Dhexe. Kooxda, oo saldhigeeda ugu weyn ku leh xuduudka Israel iyo Lubnaan ayaa dhalin kartaa iskahorimaad ballaaran oo gobolka ah.

- Advertisement -