Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Madaale oo shaaciyey go’aan ka nixiyey Shaqaalaha G/Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shaaciyey go’aan ka nixiyey shaqaalaha dowlada hoose.

Madaale ayaa sheegay in Mushaarka Shaqaalaha gobolka Banaadir ee bishan September loogu deeqay ciidanka xoogga dalka.

“Mushaharka Shaqaalaha gobolka Banaadir ee bishan September waxaan ugu deeqnay taageeridda howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta” ayuu yiri Madaale oo hadalkan ka sheegay dibad-bax lagu taageerayey Ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira al-shabaab oo galabta ka dhacay Muqdisho.

Go’aankan ayaa ka nixiyey shaqaalaha dowlada hoose ee Xamar gaar ahaan kuwa qaata mushaharka hoose oo aan heli karin wax kale oo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda. waxaana ku jira kuwa nadaafada ee xaaqa jidadka magaalada qaarkood.

Shaqaalaha ayaa sheegay iney wanaagsaneyd in Madaale uu ciidanka xoogga dalka u jaro 20% mushaharkooda, hase ahaatee ay ku adag tahay in bil dhan mushaharkeed la waayo, waxaana arrintan ka dhalatay falcelin xoog leh oo qabsatay baraha bulshada.

HOOS KA DAAWO HADALKA MADAALE

 

Related posts

Suxufi ka hadlay Dhacdo Xasaasi ah oo ka dhacday dalka Iran xabsi la dhigay 

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre oo Magacaabay guddi cusub oo Wasiiro ah

Caydiid Ali

Muxuu Madaxweyne Farmaajo kala hadlay Masuuliyiinta Maxkamadaha dalka? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali