Rooble & Cali Guudlaawe oo ka wadahadlay kursiga Fahad Yaasin iyo qodobo kale (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xusseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Rooble iyo Guudlaawe ayaa ka wada hadlay dhammeystirka kuraasta Golaha Shacabka ee weli ku harsan Hirshabelle iyo qodobo kale oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xusseen Rooble ayaa ka dalbaday Cali Guudlaawe in deg deg loo soo dhameystiro doorashada kuraasta Hirshabelle.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabelle Cali C/llaahi Xuseen Guudlaawe ayaa isna sheegay iney ku howlan yihiin dhameystirka kuraasta harsan, ayna ku dedaali doonaan iney u qabtaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Rooble iyo Cali Guudlaawe ay isla soo qaadeen kursiga la xanibay ee Fahad Yaasiin oo Hirshabelle ay horey u dalbatay in la fasaxo iyo sida laga yeelayo inkastoo aan la sheegin wax is faham ah oo laga gaaray.

- Advertisement -