Doorashadii Xubnaha Golaha shacabka ee ka socotay Ceelwaaq oo lagu kala baxay (Sawirro)

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta soo gebagebeeyey doorashada 16-kii kursi ee tiilay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Waxaa maanta la qabtay doorashada 5tii kursi ee ugu dambeysay, iyadoo 11 kale shalay lagu kala baxay, waxaana maanta gebagebada doorashan goob joog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo saaka halkaas gaaray.

Shanta Musharax ee maanta ku guuleystay doorashada ayaa kala ah:-

1-Mursal Maxamed Khalif oo ku guuleeystay kursiga HOP122.

2-Maxamed Muxumed Maxamed oo ku guuleystay kursiga HOP110.

3-Marwo Faadumo Faarax Aadan oo ku guuleysatay kursiga HOP123.

4-Axmed Cusmaan Ibraahim oo ku guuleysatay kursiga HOP#131.

5-Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo ku guuleystay kursiga HOP#125.

Doorashada Ceelwaaq ka dhacday ayaa dhalisay muran badan oo la xiriira sida ay sharci ku noqon karto maadaama degaan doorashada labaad ee Jubbaland laga wareejiyey Garbahaarey.

Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday Farmaajo ayaa ka soo horjeestay sharci darana ku sifeeyey doorashooyinka iska horjeeda ee ka dhacay Garbahaarey iyo Ceelwaaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -