Qaar ka mid ah Xildhibaanadii lagu doortay Ceelwaaq oo Shahaado qaatay (Sawirro)

Qaar ka mid ah xubnaha Golaha shacabka ee lagu doortay degmada Ceelwaaq ayaa maanta qaatay shahaadada rasmiga ah ee xildhibaanimo.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa shahaadada xildhibaanimo gudoonsiiyey illaa 9 Xildhibaan oo ku soo baxay doorashadii ka dhacday Ceelwaaq kuwaasoo kala ah:-

  1. Amina Hussein Ali GSH#087
  2. Nur Ahmed Dirie GSH#117
  3. Duniya Osman Yusuf GSH#116
  4. Bale Ibrahim Abdi GSH#100
  5. Osman Libah Ibrahim (Libaax) GSH#102

6- Farah Moalim Bishar GSH#216.

7- Jibriil Abdirashiid Haji GSH#065.

8- Maxamed Aadan Macalin Cali (Somali) GSH#090.

9Dhinaca kale 9- Abdikadir Mohamud Dhaqane (Jeylaani) GSH#078.

Doorashada 16kii kursi ee labada maalmood ka socotay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaana xubnihii halkaas lagu soo doortay intooda badan ay soo gaareen magaalada Muqdisho, si ay u qaataan shahaadooyinkooda, loona dhaariyo ka hor inta aysan ka qeyb fadhiyada Baarlamanka cusub.

Dhinaca kale, Xildhibaanad Sareedo Mohamed Abdalla oo dhowaan doorashada kursigeeda dib loogu celiyey ayaa iyana la guddoonsiiyey shahaadada Xildhibaanimo, waxaana Sareedo laga soo doortay magaalada Baydhabo.

- Advertisement -