Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyeyaashii hore ee labada Aqal ee BF oo mar kale is sharxay isna diiwaangeliyay (Sawirro)

Guddoomiyaashii hore ee labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa mar kale isku soo sharaxay xilka Guddoomiyaasha labada aqal.

Guddiyada hirgelinta doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ayaa maanta diiwaangeliyay sidoo kale siiyay labada musharax  shahaadada cadeeneysa musharaxnimadooda.

Gudoomiyaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mar kale isku soo sharaxeen xilalka ay hada hayaan, waxa ayna xuseen in mar kale la imaan doonaan waxqabad kasii wanaagsan kii hore.

Guddiga hirgelinta doorashada guddoonka labada aqal ayaa diiwaangeliyay musharaxiin badan oo isku soo taagay xilalka guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka iyo kuxigeenadooda.

Waxaa Muqdisho hada ka socda olole xooggan ay wadaan qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya , waxaana ololaha qeyb ka ah madaxda maamulada qaarkood oo dhisaya xubno ay iyagu wataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxweyne Putin oo amray in lasoo rido Diyaarad ay la socdeen in ka badan 100-qof

Cabdi Cade

Ciidamo badan oo saakay lasoo dhoobay Muqdisho iyo Wadooyin badan oo la xiray

Cabdi Cade

Baaritaan guri guri ah oo ka socda Xaafadaha Belad-weyne & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---