Ciidamo badan oo saakay lasoo dhoobay Muqdisho iyo Wadooyin badan oo la xiray

Waxaa saakay ciidamo badan oo sugaya amaanka lasoo dhoobay qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho gaar ahaan wadooyinka Maka Al Mukarama iyo Wadnaha.

Ciidamadan lasoo dhoobay wadooyinka ayaa diidaya in gaadiidka dadweynaha ay maraan wadooyinka, waxa ayna ciidamadan u muuqdaan kuwa feejigan oo koox koox wadooyinka u socda.

Sida aan wararkja ku helnay ciidamadan ayaa wadooyinka loo soo dhoobay si ay amaanka u sugaan inta uu socdo kulanka shakiga laga muujiyay ee Xildhibaanada golaha shacabka maanta ku yeelanayaan xarunta Villa Hargeysa.

Xildhibaanada ayaana kulanka maanta yeelanayaan laga cabsi qabaa in ay ku dhaqaaqaan mudo kororsi inkastoo ay xusid mudan tahay in ajandayaasha maanta kulanka Baarlamaanka aysan arintaasi ku jirin.

Kulamada Baarlamaanka oo ka dhaca xarunta Villa Hargeysa oo ku dhax taala Madaxtooyada ayaana loo xiri jirin inta badan wadooyinka, waxaana wadooyinka la xiray iyo ciidamada wadooyinka lasoo dhoobay kordhinayaan shakiga dad badan qabaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -