Sheekh Shariif iyo Saciid Deni oo isbaheysi sameesanaya Olole cusubna ka bilaabay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho durba ka bilowday ololaha doorashada Guddoonka labada aqal iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana caasimadda hada ku sugan inta badan madaxda dowlad goboleedyada iyo musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sameesanaya isbaheysi , waxaana durba si hoose isugu xirmaya qaar kamid ah musharaxiinta saameynta badan ku leh doorashada.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa durba billaabay olole iyo kulamo uu la qaadanayo musharaxiin madaxweyne, Xildhibaano iyo siyaasiyiin .

Siciid Deni ayaa kulan albaabada u xirnaayeen la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed hadana ah Musharax madaxweyne, waxa ayna kulankooda diirada ku saareen doorashada guddonka labada aqal iyo tan madaxweynaha.

Sida aan wararka ku heleyno labada Musharax ayaa sidoo kale kawada hadlay in ay sameestaan isbaheysi ay doorashada ku galaan si labadooda kii cod badiya u taageero kan kale , iyagoona sidoo kale kawada hadlay heshiisyo siyaasadeed.

Madaxweynaha Puntland ayaana doonaya in isbaheysi la sameesto musharaxiinta Hawiye kuwooda ugu saameynta badan si ugu yaraan u helo kursiga Madaxweynaha ama taa badalkeeda heshiis siyaasadeed ku galo qaadashada Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Musharaxiinta ugu saameynta badan doorashada ayaa sidoo kale la filayaa in ay sameestaan isbaheysi ay meesha uga saarayaan Madaxweyne Farmaajo loona taageerayo musharaxa ugu cod badiya isbaheysigooda .

Doorashada sannadkan ayaa ah mid saameyn iyo xamaasad badan leh, waxaana doorashada sannadkan Madaxweyne Farmaajo kula tartamaya musharaxiin badan oo isku baheestay sidii meesha looga saari lahaa Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -