Musharaxiinta ku tartameysa kursi doorashadiisa ka dhaceyso Baydhabo oo la diiwaangeliyay (Sawirro)

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed ayaa diiwaangeliyay labo musharax oo u tartameysa kursiga tirsigiisu yahay Hop154 oo horey guddiga doorashada heer federaal ay laaleen natiijadiisa.

Kursigan ayaa horey waxaa ugu soo baxday Xildhibaan Sareedo Mohamed Abdalla, hasa ahaatee guddiga doorashada heer federaal ayaa diiday natiijadiisa, waxa ayna cadeeyeen in aan habraac sax ah loo marin doorashada kursigaasi.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaana maanta markale u diiwaangeliyay dooarshada kursigaasi xildhibaan Sareedo Mohamed Abdalla iyo Nasteexo Maxamed Yuusuf oo kula tartameysa doorashada kursiga Hop154.

Doorashada kursigan ayaa mar kale loo xiray loona qorsheeyay in ay kusoo baxdo xildhibaanĀ  Sareedo Mohamed Abdalla , waxaana kursigan uu yahay kii lala xanibay kursigii horey ugu soo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Guddiga doorashada heer federaal ayaana amray in dib loogu laabto doorashada kursiga ay horey ugu guuleesateen Fahad Yaasiin iyo Sareedo, waxaana Fahad Yaasiin kursigiisa dacwad ku aadan u gudbiyay maxkamada sare ee dalka oo la filayo in go’aan kasoo saarto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.comĀ 

- Advertisement -