Maamulka Xamaas oo xukun daldalaad ah ku fuliyey shan Falastiiniyiin ah (Sababta)

Ururka Xamaas ee ka taliya Gaza ayaa xukun dil ah ku fuliyay shan Falastiini ah, labo ka mid ah ayaa lagu eedeeyay inay basaas u ahaayeen Israa’iil intii u dhexeeysay 2015 iyo 2009, sida ay sheegtay Wasaaradda arrimaha gudaha ee Xamaas ay maamusho.

Deldelaaddahan ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee ka dhaca dhulka Falastiiniyiinta tan iyo 2017. Kiisas hore oo ciqaab dil ah oo lagu fuliyay Qaza ayaa waxaa dhaleeceeyay kooxaha xuquuqda aadanaha.

War-saxaafadeedka wasaaradda laguma sheegin magacyada ragga la xukumay midkoodna. Waxay sheegtay in saddex lagu xukumay dil. Labada basaasiinta ah ee la xukumay oo da’doodu kala ahayd 44 iyo 54 jir, waxay Xamaas sheegtay iney Israa’iil siiyeen xogta keentay dilka Falastiiniyiin badan.

“Dilka ayaa la fuliyay ka dib markii la soo gabagabeeyay dhammaan hababka sharciga ah, xukunnada waxay ahaayeen kuwo kama-dambays ah, iyadoo fulinta waajib ah, ka dib markii dhammaan dadka la xukumay la siiyay xuquuq buuxda oo ay isku difaacaan,” ayaa lagu yiri bayaanka Xamaas.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ee Falastiin iyo kuwa caalamiga ah ayaa cambaareeyay xukunka dilka ah, waxayna ku booriyeen Xamaas iyo maamulka Falastiin inay joojiyaan dhaqanka dilka ah.

Xarunta xuquuqul insaanka ee Falastiin (PCHR) ayaa cambaareysay xukunada ay ku fulisay Xamaas oo ay ku tilmaantay mid xadgudub ku ah sharciga Falastiin. Waxa ay sheegtay in tallaabadani ay sidoo kale xadgudub ku tahay ballanqaadyada caalamiga ah ee maamulka Falastiin.

Tan iyo markii Xamaas ay la wareegtay gacan ku haynta Gaza, maxkamadahooda waxay ku xukuntay dil toogasho ah ku dhawaad ​​180 falastiiniyiin ah, waxayna dileen 33 ilaa hadda.

- Advertisement -