Kulamo Siyaasadeed iyo olole xooggan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa xilligan ka socda olole siyaasadeed oo aad u xooggan, waxaana magaalada soo gaaray afar kamid ah Madaxda dowlad goboleedyada kuwaa oo qeyb ka ah ololaha magaalada ka socda.

Sida aan xogta ku heleyno madaxda maamul goboleedyada ayaa wada kulamo ay la qaadanayaan qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha , waxa ay sidoo kale la kulmayaan xildhibaanada siyaasad ahaan aad ugu dhaw.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa saameyn xooggan ku leh ololaha socda, waxaana madaxda qaar u ololeenayaan dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo iyo sidii loo soo saari lahaa guddonka labada aqal gaar ahaan rag siyaasad ahaan Farmaajo rabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ololaha ugu xooggan wada, waxa uuna Laftagareen dhisayaa guddoomiye Baarlamaanka uu rabo si u sahlanaato in Farmaajo isna kusoo baxo doorashada Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale olole xooggan Muqdisho xalay ka bilaabay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya , waxa uuna Deni la kulmay musharaxiin la tuhmayo in isbaheysi la sameesanayo iyo siyaasiyiin kale.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan la filayaa in ay gasho mashquul siyaasadeed, waxaana magaalada isbuuca soo socda ka dhici doona doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -