Khasaaraha dhimasho iyo midka maaliyadeed ee ka dhashay Dagaalkii Boosaaso oo lasoo bandhigay

Guddi xaqiiqo raadin ah oo loo xil saaray soo uruurinta xogta khasaaraha nafeed iyo midka maaliyadeed ee ka dhashay dagaalkii Boosaaso ku dhax maray ciidamo kala taabacsanaa Madaxweyne Deni iyo Jeneraal Maxamuud Diyaano ayaa soo saaray warbixin.

Xubnaha guddiga oo ka koobnaa 13-xubnood ayey muddo ku qaadatay soo bandhigida xogta khasaaraha kala duwan ee ka dhashay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay magaalada Ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Guddiga ayaa shaaciyay in dagaalka ku dhinteen dad gaaraya 22 ruux, halka ay ku dhaawacmeen  86 qof, waxa ay sidoo kale  dagaalka ka dhashay khasaaraha hantiyeed oo gaaraya  $807,500 (Siddeed boqol iyo todobo kun iyo shan boqol oo dollar).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -