Qaar kamid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho oo Kaamirooyin lagu xiray (Sawirro)

Kaamirooyinka wax duuba ee loo yaqaan CCTV ayaa lagu xiray qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, si laamaha amaanka ula socdaan dhaq dhaqaaqa ka jira wadooyinkaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa wadooyin badan oo kuyaala magaalada Muqdisho waxaa lagu xirayay Kaamirooyinkan loogu tala galay in lagala socdo dhaq dhaqaaqa iyo falalka amaan daro ee ka dhaca qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho.

Kaamirooyinkan ayaa markii hore lagu xiray qeybo kamid ah Laamiga Maka Al Mukarama waxaana hada lagu xiray wadooyin kale oo kuyaala magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale la filayaa in kaamirooyinkan lagu xiro wadooyin kale .

Sida aan xogta ku helnay Kaamirooyinkan waxaa adeegsanaya laamaha amaanka gaar ahaan Hay’ada nabad sugida oo kala soconeysa dhaq dhaqaaqa ka jira wadooyinka Muqdisho iyo kadaba taga hadii ay falal amaan daro dhacaan.

Kaamirooyinkan ayaa si gaar ah loogu xiray baraha ay joogaan ciidamada amaanka gaar ahaan isgoosyada qaar si loola socdo shaqada ciidanka iyo in ay si fudud kusii daayaan gaadiid falal amaan daro lagu geesan karo.

Lama oga waxa ay ka tari karaan sugida amaanka magaalada Muqdisho kaamirooyinkan lagu xirayo wadooyinka Caasimada, waxaana horey wadooyinka muhiimka ah uga dhici jiray qaraxyo iyo dilal aan la ogeyn cida xiligaasi fulisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -