Masuul ka tirsan Maamulka Somaliland oo caawa lagu dilay Magaalada Laascaanood

Waxaa goor dhaweyd oo caawa ah Magaaladda Laascanood ee gobolka Sool lagu dilay Isku-duwihii Qandaraasyada Somaliland ee gobolkaas Maxamed C/llaahi Faarax (Jeeri).

Dabley hubeysan oo aan la garan heybtooda ayaa la sheegay iney ka dambeeyeen dilka masuulkan oo si weyn looga garanayey magaalada Laascaanood.

Dilka Marxuumka waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye oo tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku,  in uu samir iyo imaan Alle ka siiyo.

Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay wadaan howlgal balaaran oo lagu soo qabanayo kooxihii ka dambeeyey dilka marxuumka.

Dilalka ka dhaca Magaalada Laascaanood ayaa weli iska socda xili maamulka Somaliland uu dhowaan magaaladaas ka soo masaafuriyey kumanaan qoys oo ka soo jeeda Koonfurta Somalia kuwaasoo lagu eedeeyey iney ku lug leeyihiin dilalka badan oo magaaladaas ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -