Dowlada Somalia oo sameeneysa Ciidan dhar cad ah oo ka hortagaya Laaluushka

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku sameenayaan Ciidamo dhar cad ah oo katirsan Dambi baarista booliiska CID, kuwaa oo loogu tala galay in ay ka hortagaan laaluushka iyo Musuq maasuqa ay ku kacaan ciidanka .

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin sameynta ciidan dhar cad ah oo laga soo xulayo CID kuwaa oo ka hor tagaya in shacabka Laaluush ka qaadaan.

Ciidankan ayaana si gaar ah uga howl gali doona magaalada Muqdisho marka la sameeyo, waxa ayna ciidankan si joogta ah ula soconayaan ciidanka dowlada ee dadka shacabka ah laaluushka ka qaada.

“Waxeynu abuureynaa koox ka tirsan C.I.D –da  oo ka hortageysa laaluushka , wax loo dul qaadanayo ma jirto, haddaba waan idin sheegayaa, aad uga taxadara, kuwa idinka hooseeyana u sheega, waxaa nalaga rabaa Ciidanka Booliska in aan raadino Sumcad iyo karaamo, waa in Jeebka Muwaadinka uu ammaan inaga helaa” ayuu yiri Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Ciidanka dowlada ayaa lagu eedeeyaa in dadka shacabka ah mararka qaar ka qaataan lacago laaluush ah , waxa ayna arintan hoos u dhigtay sumcada ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -