Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Caawa la kulmay Guddoomiyeyaasha KMG ee labada Aqal (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Guddoomiyeyaasha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) iyo Golaha Aqalka Sare Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa ugu hambalyeeyay masuuliyadda qaran ee loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee BFS sida habsamida leh ee ay u fureen Kulanka 1aad ee Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo Alle uga baryey in uu ku garab galo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.

Dhankooda, labada Guddoomiye ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey kulanka, iyaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’antahay dardar galinta doorashooyinka dalka.

Related posts

Dowlad Shaqaalaheeda ku amartay in ay sameeyaan jimicsi oo dhimaan miisaankooda !

Cabdi Cade

Israa’iil oo Shaacisay waqtiga suurto gal ah ay weerar ku qaadi karaan xarumaha Nukliyeerka Iran

Cabdi Cade

Baadi-goobka dhaxalkii Matxafka qaranka !!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---