Khilaaf xooggan oo ka taagan Magacaabista Guddiga Doorashada Guddoonka Gollaha Shacabka

Waxaa maanta si rasmiga ah u furmay kalfadhiga koobaad ee xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka labada aqal kala shir guddoominaya guddoonka KMG ee labadaasi aqal.

Kulanka Xildhibaanada gollaha shacabka ayaa maanta diirada lagu saarayaa dhoor ajando ay kamid yihiin xeer hoosaadka u gaar ah doorashooyinka Guddomiyaha Golaha Shacabka iyo magacaabista guddiga doorashada guddoonka gollaha.

Sida aan wararka ku heleyno guddoomiyaha KMG ee gollaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaam Dhabancad ayaa soo jeediyay in uu magacaabo toban xubnood oo ah guddiga doorashada Guddoonka gollaha ,hasa ahaatee Xildhibaanada ayaa taasi kahor yimid.

Guddoonka KMG ee gollaha shacabka ayaa markii laga diiday in uu magacaabo xubnaha guddiga doorashada waxa uu dib ugu celiyay xildhibaanada, waxa uuna ka codsaday in qabiil walbo soo magacaabaan min labo xubnood oo guddiga lagu daro.

Xildhibaanada afarta beel iyo barka ayaa dhankooda mar kale isku khilaafay sida ay u magacaabi lahaayeen min labada xubnood laga rabo in ay kusoo darsadaan xubnaha guddiga doorashada.

Khilaaf iyo dood adag oo ka dhalatay magacaabista xubnaha guddiga doorashada ee guddonka gollaha shacabka ayaa laga dareemayaa xarunta shirku ka socdo, waxaana laga cabsi qabaa in Xildhibaanada u kala baxaan mucaarad iyo muxaafid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -