Meydadka dad aad u badan oo lagu arkay deegaano laga saaray Ciidamada Ruushka

Ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday qeybo kamid ah dalka Ukraine ayaa lagu eedeenayaa in tacadiyo dalkaasi ka geesteen ayna laayeen dad badan oo shacab ah oon waxba galabsan.

War kasoo baxay booliiska dalka Ukraine ayaa lagu sheegay in meydadka 900 oo qof oo rayid ah laga helay deegaanno waqooyi galbeed uga beegan caasimadda Kyiv, oo dhawwaan laga saaray ciidamada Ruushka.

Deegaanadan laga saaray milatariga Ruushka oo si weyn dagaalka ugu bur buray ayaa lagu arkay meydadka dad badan oo shacab ah oo loo maleenayo in ciidamada Ruushka si kutala gal ah dadkaasi u laayeen.

Booliiska Ukraine ayaa sheegay in ay hada socdaan aqoonsiga meydadka laga helay deegaanada ciidamada Ruushka laga saaray sidoo kale socdaan uruurinta caddeymaha muujinaya in goobahaas ay ka dhaceen dembiyo dagaal.

Ciidamada Ruushka deegaano horey looga saaray ayaa lagu arkay meydadka dad badan oo shacab ah, waxaana milatariga Ruushka lagu eedeenayaa in tacadiyo bini’aadanimada ka dhan ah ka geesteen dalka Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -