Guddiga Doorashada oo shaaciyay in Garbahaarey laga wareejiyay Doorashada 16-ka kursi

Guddiga doorashada heer federaal ayaa goordhaw go’aan rasmi ah ka gaaray doorashada 16-ka kursi oo horey loo shaaciyay in lagu qabanayo magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu shaaciyay in xilligan suurto gal aheyn in doorashada 16-ka kursi lagu qabto magaalada Garbahaarey, waxa ayna guddiga ku dhawaaqeen in doorashada 16-ka kursi ka dhaceyso degmada Ceel-waaq.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in maamulka Garbahaarey diideen in guddiga dooarshada tagaan magaalada Garbahaarey, waxa ay sidoo kale guddiga sheegeen in caqabado amni ka jirto magaalada Garbahaarey.

Degmada Ceel-Waaq ee loo wareejiyay doorashada 16-ka kursi ayaa waxaa gacanta ku haya maamulka Jubbaland iyo ciidamada dalka Kenya ee qeyta ka ah AMISOM, waxaana doorashada kuraastaasi maamuli doona Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

 

- Advertisement -