Dowlada Somalia oo qaadeysa talaabo ka dhan ah xiriirka Somaliland & Taiwan (Akhriso)

Dowlada federaalka Soomaaliya oo ayaa si kulul u cambaareysay wax ay ku tilmaantay tallaabada isku dayga qar iska tuurnimada ah ee ay ku dhaqaaqday Taiwan, iyadoo ku xadgudbeysa qaranimada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si adag loogu digay Taiwan inay dib uga fiirsato kala qeybinta Dhulka iyo Qaranka Soomaaliyeed iyadoo ka duuleysa xog-ogaalnimo la’aan iyo marin habaabin lagu sameeyay.

Waxay sheegtay inay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku difaaceyso qaranimada dhulkeeda iyo madax bannaanineeda, iyadoo adeegsaneysa sharciyada caalamiga ah.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay sidaas ugu yeereysa Taiwan inay joojiso howlaheeda marin habaabinta ah ee ay ka waddo qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Mabaadi’dani waa kuwo aanay gorgortan ka gelin karin Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dambeysay xili Taiwan shalay ay si rasmi ah uga furatay Magaalada Hargeysa Safaarad ama xafiis diblomaasiyadeed oo ka shaqeynaya xiriirka labada dhinac, iyadoo Somaliland ay sidoo kale xafiis kaas la mid ah ka furaneyso Taiwan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA DF OO ENGLISH KU QORAN:

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -