Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay Go’aankii Doorashada looga wareejiyay Garbahaarey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal goordhaw uu soo saaray waxa uu kusoo dhaweeyay go’aankii guddiga doorashada heer federaal deegaan doorashada uga wareejiyeen magaalada Garbahaarey.

Qoraalka kasoo baxay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa lagu boggaadiyay go’aanka guddiga doorashada maanta kasoo baxay ee degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo loogu wareejiyay dooarshada 16-kursi ee Gedo taala.

”Ra’isul Wasaaraha isagoo tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada lahaad ee Jubaland.” ayaa lagu yiri qoraalka Rooble.

Ra’iisul Wasaar Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku booriyay Guddiga  doorashada heer Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland in ay si dhaqso ah u soo dhammaystiraan kuraasta dhiman ee doorashadooda loo wareejiyay Ceel-Waaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Shirka Madaxweyne Farmaajo uga qeyb galayo Adis Ababa

Cabdi Cade

Cabdiweli Gaas oo ka jawaabay Martiqaadka Madaxweyne Farmaajo mar kale u fidiyay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay madaxda Maamulka G/Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---