Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Jubbaland iyo Qaramada Midoobay oo kawada hadlay Masiirka kuraasta taala Garbahaarey

Madaxwayne ku-xigeenka Koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa shir ku dhacay habka fogaan aragga la yeeshay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay James Swan.

Kulanka oo sidoo kale qeyb ka ahaayeen guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland iyo xildhibaanada lagu doortay Kismaayo qaarkood ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira muranka ka taagan 16ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Madaxwayne ku-xigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa u sharaxay Wakiilka Qaramada Midoobay caqabadaha ka jira in doorashada 16-ka kursi ay xilligan ka dhacdo magaalada Garbahaarey oo gacanta ku hayaan maamul ka madax banaan Jubbaland.

Labada dhinac ayaa sidoo kale kawada hadlay sida looga gudbi karo caqabadaha ku horgudban dhameestirka doorashada gaar ahaan doorashada 16-ka kursi iyo sidoo xal looga gaari lahaa qabashada kuraastaasi.

Maamulka Jubbaland ayaa wali ku adkeesanaya in loo madax banaaneeyo doorashada 16-ka kursi, waxa ayna Jubbaland dalbanayaan in doorashadasai lagu qabto Ceel-Waaq ama magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=E9hAS0eRiug&t=52s

Related posts

Wasaaradda Batroolka oo dib usoo celisay Heshiisyadii Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil 

Cabdi Cade

Wasiir Xasan Macalin oo ka baaqsaday kulankii Baarlamaanka iyo Carro ka dhalatay

Cabdi Cade

(Sawirro) Rooble oo Qaahira kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---