Xukuumada Somalia oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay hareer taagan yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maalliyadda ee gobolka Benadir ayaa caawa shir jaraaid ku qabtay xarunta gobolka, iyaggoo faahfaahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qaraxii galabta.

Maareeye ayaa sheegay in ay falkii sida uu yiri argigixisadu galabta fuliyeen ay ku dhinteen 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Saddex Agaasime oo ka tirsanaa maamulka gobolka.

Wasiirka waxaa uu sheegay in sidoo kale ay ku dhaawacmeen lix ruux oo ay ku jiraan Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka qaarkood kuwaasoo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen.

Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in weerarkan uu ahaa mid si weyn loo soo qorsheeyey, Hay’adaha Ammaankana ay wadaan baaritaan ku aadan falkan isla markaana ay faahfaahin dib ka soo sheegi doonaan marka uu dhamaado baaritaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -