Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta ansixiyey Xeer cusub oo Muhiim ah

Golaha wasiirrada Somaliland ayaa iskugu yimid kulan uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),

Golaha wasiirrada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ku ansixiyey qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, xeerkaas oo lagu dabaqi doono illaalinta xuquuqda carruurta, waxa kale oo goluhu dood ka yeesheen qabyo qoraalka xeerka maalgashiga qaranka.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa golaha warbixin ka siiyey waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah, isagoo xusay doorka wasaaradda ee dadkaas, waxaana golaha wasiiradu go’aamiyeen in mudnaan gaara la siiyo.

Ugu danbayn waxa goluhu dood iyo falaqayn ka yeesheen xaaladda guud ee ganacsiga, kala xadaynta ganacsiga, tayada ganacsiga, iyadoo loo saaray guddida dhaqaalaha ee goluhu inay warbixin buuxda ka soo diyaariyaan xaaladda ganacsi ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -