Xildhibaano katirsan labada Aqal oo Kulan sagootin ah caawa loo sameeyay (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulan dar-daaran iyo sagootin ah la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku metelaya Puntland ee ku sugan Garoowe.

Axmed Karaash uu dhinac fadhiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil ayaa xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka oo kusii jeeda Muqdisho ku maamuusay kulanka sagootinta ah.

Madaxdan katirsan Puntland ayaana Xildhibaanada kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan horumarka maamulka Puntland ay matalaan sidoo kale ay noqdaan xildhibaano isku duuban oo si wadajir ah u shaqeeya.

Xildhibaanada labada aqal katirsan ee lagu doortay Puntland ayaa kuwooda jooga Garawe kusoo jeedaan beri magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan munaasabada dhaarinta oo la filayo in Khamiista ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -