Allbanaadir.com
NEWS

Ciro oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ruto (Sawirro)

War saxaafadeed
madaxtooyada Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro )  oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Mudane Dr. William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim u ah labada dhinac, arrimahaasi waxa ka mid ahaa:

𝟏.  Iskaashiga labada dal iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isu-socodka Diyaaradaha.

𝟐. Xoojinta Nabadda iyo Amniga Gobolka, gaar ahaan horumarinta xasilloonida, ka hortagga xagjirnimada, iyo taageeridda dadaallada nabad-dhisidda ee Geeska Afrika .

𝟑. Iskaashiga Waxbarashada, is-weydaarsiga tacliinta, awood-dhisidda hay’adaha Dawliga ah iyo kobcinta tababarka xirfadaha farsamada gacanta ee dhalinyarada.

Kulankaasi waxa uu ahaa mid ay labada hoggaamiye hoosta ka xarriiqeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Kenya, kaas oo ku qotoma taariikh fac weyn, is-ixtiraam, dano wadaag, iyo aragti midaysan oo ku wajahan horumarka iyo barwaaqada mandaqada.

DHAMMAAD

Related posts

Madaxda dowlad goboleedyada oo ku dedaalaya iney hal arrin ka helaan Xukuumada cusub

Caydiid Ali

Hogaanka Ahlu Sunna oo goordhaw laga kaxeenayo Xero Inji iyo Hubkii Ahlu Sunna oo…

Cabdi Cade

Burcad-badeed Soomaali ah oo isaga carartay Markab ay shalay Afduubteen kaddib markii…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---