Somaliland oo ka hadashay sababaha ay ciidankeeda uga saartay Laascaanod

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd ayaa ka hadlay sababaha ciidanka Somaliland looga saaray magaalada Laascaanood oo maalmahan dagaalo ay ka socdeen iyo degaano kale

Dr. Ciise Keyd oo War-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in tallaabadan ay u qaadeen si ay beesha caalamka iyo bulshada Somaalida ugu muujiyaan in dhankooda ay ka go’an tahay in dagaalka lagu bedelo Nabad

“Dagaalka ka socda Laascaanood waxay xukuumadda kalsooni ku qabta in xal laga gaari doono. Si loo yareeyo dhibaatada soo gaaraysa shacabka iyo markii aanu garwaaqsanay baaqyada nagaga imanaya muwaadiniinta iyo saaxiibadayada caalamiga ah waxaa saaka xilli hore dib looga soo qaaday ciidamada Somaliland fariisimihii jiidda hore” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Waxa uu sheegay in ciidamada millaterigu ay awood buuxda u leeyihiin in ay ilaaliyaan madaxbannaanida Somaliland, lakiinse, ay sida u sameeyeen si ay u muujiyaan ka go’naanshahooda in xabad joojintu hirgasho.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay in Laascaanood aysan gabaad u noqon wax uu ugu yeeray kooxaha argagixisada, wuxuuna ciidamada deegaanka ee hubeysan ugu baaqay inay si deg deg ah uga baxaan.

“Somaliland waxay meel adag ka taagan oo ay ka hortageysaa dhamaan maleeshiyaadka ee huwanta ah oo ay ku jiraan kuwa xagjirka ah ee ku abuurmay Laascaanood in ay si deg deg ah uga baxaan.” ayuu intaas ku daray.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd ayaa sheegay in Somaliland awood u leedahay inay xal buuxa ka gaarto khilaafaadkeeda guddaha.

“Somaliland waligeedba waxay awood u lahayd, oo ka go’nayd in ay arrimaheeda guddaha iyadu xal ka gaadho, sida oo aanu yeelnay todobanaan sanno, anaga oo nabada iyo dimuqraadiyada ilaashanayna, dowladu waxay ku kalsoontahay in xaalada hada ee Laascaanood la xalin doono” ayuu yiri Wasiir Kayd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -