Wasaaradda Amniga oo go’aan cusub kasoo saaray xiridii Terminal-ka MOVECON

Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku fasaxday in dib loo fasaxo Terminal-ka MOVECON ee kuyaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Terminal-ka MOVECON ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa inta badan waxaa adeegsada kana soo dega diyaaradaha gaarka ah sida kuwa UN-ka adeegsadaan iyo kuwa kale ee wada  saraakiisha ajaaniibta ee degan xarunta Xalane .

Wasaaradda amniga ayaana maalmo kahor soo saartay go’aano lagu xirayo ilaa amar dambe Terminal-ka MOVECON, waxaana go’aankan wasaaradda usoo saartay si ay uga hortagto in Muqdisho yimaado wakiilkii Midowga Afrika Madeira oo dalka laga eryay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -