Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Weerar Al Shabaab galabta lala beegsaday

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa War Saxaafadeed ay caawa soo saartay waxa ay ku faah faahisay weerar ay iska kaashadeen dowlada federaalka iyo milatariga Mareykanka oo galabta lagu qaaday goob ay Al Shabaab ku sugnaayeen.

War Saxaafadeedka dowlada kasoo baxay ayaa u qornaa sida tan”

Galab Arbaco, taariikhduna tahay 19-ka Febraayo, 2020 ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa bahwadaageeda Melatariga Dawlada Mareykanka ayaa weerar dhanka cirka ku qaaday mintidiinta AL-Shabaab deegaanka Wadajir ee u dhaw jilib, Soomaaliya.

Duqeyntan oo aad looga baaraandegay ayaa waxa lagu dilay saddex ka mid ah mintidiinta Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Mareykanka ayaa qaada taxadar dheeri ah oo ku aadan ka hortagga waxyeelada rayidka inta lagu gudajiro ladagaalanka kooxda argagaxisada ah iyada oo si buuxda loo baarayo eedaymaha lasoo wariyo.

Tan ayaa waxay aad uga duwantahay weerarrada aan loo aabayeelin ee ay Al-shabaab ku qaadaan shacabka Soomaaliyeed iyada oo xataa aan u turin haweeka iyo carruurta maatida ah.

Subaxan ayay Al-shabaab weerareen degmada Qoryooley iyada oo aysan magaalada ku sugnayn Xoogga Dalka iyo AMISOM toona.

Dadka reer Qoryooley ayaa iskaga caabbiyey qoryahooda caadiga ah, kuna qasbay Al-shabaab in ay dib-ugagurtaan aaggaa. Al-shabaab way sii wadaan weerarrooda fuleynimada ee ay ku qaadayaan shacabka aan waxba galabsan iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya. hubinta hada la sameeyey ayaa ah in cid shacab ah aysan wax ku noqon weerarkan.

Dhamaad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -