Ciidamada Dowladda oo qarxiyay maanta qaraxyo Al Shabaab ka qabteen (Sawirro)

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa maanta duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku qarxiyay miinooyin iyo qaraxyo kale oo dhawwaan ciidamada qabteen .

Howlgal ay sameeyeen ciidamada milatariga ayey ku qabteen duleedka Guriceel gaari nuuciisu yahay Probox oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa, waxaa sidoo kale ciidamada qabteen labo nin oo la socday gaarigaasi.

Saraakiisha ciidanka milatariga gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa amray in la qarxiyo maanta qaraxyada miino ee la qabtay xilli lasoo galinayay degmada Guriceel, lamana oga qaraxyadaasi halka loo waday .

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale wali baaris kuwada labo nin oo la socday gaariga qaraxyada lagu qabtay kuwaa oo ku xiran xabsiga Guriceel, waxaana la filayaa in ragaasi xiran lasoo taago maxkamad marka baaristooda dhammaato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -