Midowga Afrika oo kahor yimid Go’aankii Ra’isul Wasaare Rooble dalka uga eryay Madeira

Guddoomiyaha Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa kahor yimid go’aankii Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dalka uga eryay wakiilkii Midowga Afrika u joogay Soomaaliya Francisco Madeira.

Qoraal uu soo saaray Moussa Faki ayuu ku sheegay in ay ka walaacsan yihiin go’aankii kasoo baxay Ra’isul Wasaare Rooble, waxa uuna tilmaamay in tixgelin iyo qiimeyn ku sameenayaan warqadii kale ee kasoo baxday Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat , ayaa sheegay in kalsooni buuxdo uu ku qabo uuna aaminsan yahay wakiilkooda Soomaaliya Francisco Madeira, waxa uuna muujiyay sida ay uga walaacsan yihiin go’aanka Rooble.

Go’aankan cusub ee kasoo baxay Midowga Afrika ayaa dhabar jab weyn ku ah Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo dhawwaan amray in wakiilka midowga Afrika u jooga Soomaaliya uga baxo 48-saac gudahood.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -