Shirkadda Oscar oo ku dhawaaqday go’aan adag oo ka dhan ah Will Smith

Shirkadda Oscar ee bixisa abaalmarinta ugu sareysa filimaanta iyo aktarada jila ayaa ku dhawaaqday go’aan adag oo ka dhan ah aktarka caanka ah ee Will Smith oo xafladii abaalmarinta ku dharbaaxay majaajiliistaha Chris Rock .

Qoraal kasoo baxay maamulka shirkadda Oscar ayaa lagu shaaciyay in aktarka Will Smith in muddo 10 sano ah laga mamnuuco xafladaha shirkadaasi qabaneyso iyo waliba abaalmarinada ay bixiso.

Will Smith oo horey xubin uga ahaa shirkadda Oscar ayaa horey isku casilay, waxa uuna raaligelin ka bixiyay dharbaaxadii uu ku dhuftay majaajiliistaha wax ka sheegay xaaskiisa xilli ay socotay xaflada ay shirkadaasi abaalmarinada ku bixiso.

Dad badan ayaa filayay in shirkadda Oscar ciqaab inta ka badan kusoo rogto askarta Will Smith, waxa ayna dad badan saadaalinayeen in ugu yaraan shirkada Oscar aktarkan kala noqon doonto abaalmarintii ay siisay maalintii uu dharbaaxada geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -