Axmed Madoobe oo qaabilay Wefdi ka socda DF oo arin Muhiim u tagay Kismaayo

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday Dowlada Federaalka ah oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
 
Wefdigan ka socda Dowlada Federaalka ayaa u tagay magaalada Kismaayo u kuur galida xaalada abaaraha ee ka jira deegaano katirsan Jubaland iyo sidoo dowlada Federaalka gacan uga geesan laheyd caawinta dadka abaauruhu aafeeyeen.
 
Sidoo kale wafdigan ka socda Dowladac Federaalka Soomaaliya waxay deeq kala duwan oo ka kooban qalab Caafimaad ku wareejiyeen Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada maamulka Jubaland.
 
Rai’sul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan ka hadlay xaalada abaaraha ee ka jira Jubbaland, waxa uuna ugu baaqay Hay’addaha gar gaarka iyo shacabka Soomaaliyeed in ay gar gaar gaarsiiyaan dadka ay abaauruhu ku saameeyeen Deegaanada Jubbaland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -